百春链

Rabshadaha qoyska- Family violence

Rabshadaha qoyska

  • In New Zealand, family violence is a crime. waa dembi aanu booliisku fududaysan.
  • Waa wax sharciga ka hor imanaya in qof qof kale u geysto xadgudub ama dhibaato waxyeesha jidhkiisa, nafsadiisa iyo anshax darro galmo la xiriirta.
  • Rabshadaha qoyska dhexdiisa waxaa ka mid ah iyadoo la feedho ama la laado qof qoyska ka mid ah; hanti la jabiyo si qof loogu dhibaateeyo; isku day in la xakameeyo nolosha qofka iyadoo la adeegsanayo bahdilid joogta ah; u xoogsheegad; waxyeello ama anshaxdarro galmada la xiriirta; iyadoo la kontoroolo qofka lacagtiisa, waqtigiisa, gaarigiisa ama xiriirka uu la samaynayo saaxiibadiis, taasoo loola jeedo awood sheegasho.
  • Noocyada ugu badan ee rabshadaha qoyska booliiska lasoo gaadhsiiyo waxaa ka mid ah kuwa loo geysto dumarka iyo carruurta. 85% dhibbanayaasha booliiska u soo cawdaa waa dumar.
  • Booliisku waxay garawsan yihiin waxyeellada ba'an ee dagaalka qoysku u geysto carruurta aragta ama maqasha rabshadahaas. Booliisku waxay aad ugu dadaalayaan siday carruurta dhibaato uga badbaadin lahaayeen.
  • Haddii adiga ama qof qoyska ka mid ahi halis markaa taagan u yahay rabshadaha qoyska, booliiska la xiriir oo wac 111.
  • Haddii dagaalka qoysku gurigaaga ka jiro, waa in aad lasocodsiiso qof aad ku kalsoon tahay. Wac qof saaxiibkaa ah ama qoyskaaga ka tirsan ama mid ka mid ah kooxaha hoos ku qoran. Wac booliiska haddaadan aqoon cid aad la hadasho.
  • Dadka dhibaatadu ka haysato rabshadaha qoysku waxay codsan karaan amar badbaado (protection order). La tasho garyaqaan ama mid ka midah kooxaha wax taakuleeya ee hoos ku qoran.
  • Amarrada badbaadada waxaa bixisa maxkamadda qoyska, waxayna qofka codsada iyo ilmihiisaba siiyaan difaac sharci ah oo ka dhan ah rabshadaha qoyska.
  • Amarka badbaado wuxuu magac dhabaa qofka tacadiga geysanaya, wuxuuna si cad u sharxaa wuxuu samaynkaro iyo waxa ka reebban. Tusaale ahaan, waxaa laga yaabaa in amarku caddeeyo inaan qofkaasi hanti burburin ama ku hanjabin inuu burburiyo
  • Duruufaha caadiga ah, waxaa la bixin karaa amar badbaado oo ku meel gaar ah isla maalintaasba ama dhowr cisho dabadeed markaad dalbato.
  • Amarka badbaado waxaa kaloo laga yaabaa inuu kaa caawiyo ammaanka gurigaaga iyo hantidaada.
  • Haddii qofku u hoggaansami waayo amarka badbaado, waxaa xidhi kara booliiska. Waxaa qofka la geynayaa maxkamadda degmada oo laga yaabo inay ku xukunto ganaax (lacag bixiyo) ama in xabsiga loo taxaabo.
  • Raadso macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan amarrada badbaado iyo Sharciga Rabshadaha Qoyska
  • Dalka Niyuusiilaan waxaa u degsan sharciyo adag oo la xiriira rabshadaha qoyska ka dhex dhaca. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sharciyadaas ka akhri , ama booqo bogga Maxkamadda .
  • Hay'adaha kale ee ku caawin kara waxaa ka mid ah:
    • (taleefanka 0508 326 459);
    • Adeegyada Joojinta Rabshadaha;
    • Garyaqaannada;
    • (taleefanka 0800 842 846);
    • (taleefanka 0800 367 222) Waa adeeg talo siin bilaash ah oo loo fidiyo qofkasta oo dalka jooga oo ay ku jiraan dadka booqashada ku yimid iyo ardada ajnabiga ah.
    • iyo qaar badan oo ururro bulsheed iyo kuwo dawladeedba leh.